Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax miino oo xalay ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ciidan.
Qaraxan ayaa lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan guutada 77-aad ee fadhigoodu yahay xerada Urur Howleed ee degmada Deyniile.
Maamulka degmada Deyniile iyo laamaha amniga deegaanka ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarka.
Iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal noocaan oo kale ah ayaa hadana Al-Shabaab waxa ay sii wadaan weerarada qaraxyada ah ee ay la beegsanayaan ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.