Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qaybgalay Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee ka socda magaalada Davos ee dalka Switzerland, halkaas oo uu ku doonayo in uu ku kasbado aqoonsi caalami ah isla markaana uu caalamka u soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, sida Reuters qortay.
Sida ay Reuters werisay, mid ka mid ah kulammada ugu muhiimsan ee madaxweynaha Somaliland uu halkaas ku yeeshay ayaa ahaa kulan uu la qaatay Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isla markaana ah Madaxweyne Ku-xigeenka Fulinta ee Shirkadda Trump Organization. Kulankaas ayaa ka dhacay qol shir oo ku yaalla hoteel ku dhow goobta uu shirka Davos ka socday.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynaha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, gaar ahaan Dekedda Berbera oo ku taalla marin ganacsi oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka, sida ay sheegeen dad goob-joog ahaa.
“Kulanku aad ayuu u wanaagsanaa,” ayuu Madaxweynaha Somaliland u sheegay Reuters, isaga oo xaqiijiyay in uu la kulmay Eric Trump iyo Madaxweynaha Israa’iil labadaba.
War qoraal ah oo uu ku baahiyay baraha bulshada, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay la kulanka Madaxweynaha Somaliland, inkasta oo aanu si gaar ah u xusin Eric Trump.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa shir gaar ah oo uu la yeeshay qaar kamid ah madaxda iyo ganacsatada shirka kasoo qaybgalay, waxa uu ka jeediyay khudbad uu ku iibgaynayo Somaliland, isaga oo dadkii goobta joogay ugu baaqay in ay hadda kadib Somaliland u aqoonsadaan dowlad gaar ah.



