Hay’adda Nabad Suggida Somaliya oo gacanta ku soo dhigtay laba nin oo lala xiriirinaayo dilal ganacsato ah,oo ka dhacay Muqdisho.

0
2

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka Somaliya (NISA), ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay laba eedeysane oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilal maalmihii la soo dhaafay lala beegsaday dad ganacsato ah oo ka dhacay Degmada Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

Eedeysanayaasha oo magacyadooda lagu kala sheegay Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen dilal dhowr ah oo ka dhacay Xaafaddaas, gaar ahaan kuwa loo geystay Ganacsato ku sugnaa Deegaanka Daarusalaam ee Gobalka Banaadir.

Hay’adda NISA ayaa carabka ku dhufatay in xarigaasi uu qeyb ka yahay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha amni daro ee ka jira deegaanadaasi, iyadoo la doonaayay in ganacsatada laga ilaaliyo dhibaatooyinka loo geysto.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanayaasha lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dambiyadan ayaan weli la shaacin, balse NISA ayaa xustay in ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo cadaaladda, loogana hortagayo falalka noocaan oo kale ah mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here