Soomaaliya iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xarunta Dhaqdhaqaaqa Cimilada.

0
3

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis cusub la gashay Hay’adda Global Center for Climate Mobility, heshiiskaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo u adkeysiga cimilada dalka.

Waxaa heshiiskan u saxiixday wasiirka deegaanka iyo is bedelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Al-Makhzoumi.

War saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay wasaaradda deegaanka, ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu yahay mid wax ku ool ah oo loo qaaday dhanka dhismaha mustaqbal waara oo soo kabanaya dowladda federaalka Soomaaliya.

“Heshiiskani waa tallaabo lagama maarmaan ah oo loo qaadayo horumar waara oo adkaysi leh oo ku habboon Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Hogaamiyayaasha ayaa tilmaamay in iskaashiga cusub uu diiradda saarayo awood siinta bulshooyinka u nugul caqabadaha deegaanka, hubinta ammaankooda, iyo sare u qaadida hufnaanta istaraatiijiyadaha lagula qabsanayo isbedelka cimilada ee dalka.

Heshiiska ayaa sidoo kale la filayaa in lagu maalgeliyo mashaariic gaar ah oo wax ka qabta baahiyaha dadka deegaanka iyadoo la xoojinayo maamulka deegaanka si loo kobciyo kalsoonida iyo iskaashiga bulshada.

Iskaashigan cusub ayaa la filayaa in uu kor u qaado dadaallada lagu ilaalinayo bulshooyinka, kor loogu qaado istaraatiijiyadaha la qabsiga maxalliga ah, iyo in la dhiso adkeysiga cimilada ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here