Goob joogayaal caalami ah oo bogaadiyay hanaanka nabada ah ee doorashada Somaliland.

0
2

Goob-joogayaasha caalamiga ah ayaa ku bogaadiyay komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Arbacadii shalay oo ay si nabad ah ku qabsoontay doorashada madaxtooyada, iyada oo ay xidhmeen goobihii codbixintu ka dhacday guud ahaan gobalada Somaliland.

 

Kooxdan dublamaasiyiinta ah oo ay ku jiraan ergo ka kala socda Maraykanka, Ingiriiska iyo waddamo badan oo Yurub ah, ayaa booqday in ka badan 30 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Gabiley.

 

Warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku bogaadiyeen sida dhexdhexaadnimada iyo hufnaanta leh ee Komishanku u maareeyeen diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo musharraxiinta, iyaga oo intaa ku daray in tallaabooyinkani ay gacan weyn ka geysteen sidii ay bulshadu ugu kalsoonaan lahayd geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

 

“Hambalyo waxaan u hambalyeynayaa shacabka reer Somaliland oo si nabad iyo xilkasnimo ku dheehan tahay u gudatay xaqa ay u leeyihiin inay codkooda dhiibtaan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka. “Codbixiyayaasha ayaa ugu dambaynta go’aaminaya hoggaankooda, waxaanan u soo jeedinaynaa dhammaan xisbiyada siyaasadda inay aqbalaan natiijada doorashada oo ay ixtiraamaan sharciga.”

 

Komishanku wuxuu xaqiijiyay in goobaha codbixintu ay xidhmeen 6-dii galabnimo. waqtiga maxaliga ah, iyadoo hadda codadka lagu tiriyay goobaha codbixinta, degmooyinka, iyo xarumaha gobolka. Guddoomiye Muuse Xasan Yuusuf waxa uu sheegay in Komishanku si degdeg ah u xalliyey arrimo yar yar oo dhinaca farsamada ah, isla markaana la filayo inay natiijada ku dhawaaqaan 21-ka bishan November, waxaanay wararka Komishanku sheegeen in in ka badan 1 milyan oo qof oo is-diiwaangeliyey ay codkooda ka dhiibteen ku dhawaad ​​2,000 oo goobood.

 

General Maxamed Aadan Saqadhi, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xaqiijiyay in munaasibadda maalintan ay si nabadgelyo ah u dhacday, isla-markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo dhinaca ammaanka ah. Saqadhi waxa uu ammaanay dadaallada amniga ee la isku dubariday ee lagu ilaalinayo nidaamka iyo kala dambeynta guud ahaan goobaha codbixinta iyo xaqiijinta habsami u socodka hawlaha.

 

War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexnaayeen wakiillo ka kala socday dalalka Czech Republic, Denmark, Finland, Germany, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, UK iyo Maraykanka, ayaa lagu caddeeyay inay ka go’an tahay inay Somaliland ka taageeraan sidii loo heli lahaa madaxbannaanida dimuqraadiyadda.

 

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Somalia sannadkii 1991-kii, balse aan aqoonsi caalami ah ka helin, waxay ku dedaalaysay inay dhidibbada u taagto maamul dimuqraadi ah, iyadoo raadinaysa sharciyad caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here