Home WARARKA Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland oo Difaacay go’aanka DFS ay mushaarka ugu...

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland oo Difaacay go’aanka DFS ay mushaarka ugu qortay ciidamo jooga deegaannada Dowlad-Goboleedkaas

14
0

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowlad-Goboleedka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaa bannanka soo dhigtay xogta la xiriirta sababta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya mushaar ugu qortay ciidamo jooga qaybo kamid ah Deegaannada Maamulkaas.

Xasan Shire ayaa difaacay go’aanka Dowladda ee la xiriira in ciidankaas laga dhigo heer Federaal maadaama Dowlad-Goboleedka Puntland ay ka jaratay Mushaarka, si aysan u kala tagin ayuu xusay in mushaar loogu billaabay sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Puntand ayuu sheegay in uu ku wargeliyay in aan mushaarka laga jarin si aanay u dayacmin ciidankaas awoodda buuxda leh ee wata hubka badan balse arrintaas dhegaha laga furaystay.

“Labada Ciidan ee hadda la sheegayo mid waa PSF halka kuwa kale ay yihiin Danab, Mushaarka ayaa laga joojiyay, Dagaal Puntland soo maray oo ilaa 2013 aysan gelin ma jiro, Taliyaha Booliiska ayaan u tagay oo aan u sheegay in aan mushaarka laga jarin, Baarlamaanka ayaa u sheegay in ugu yaraan Raashinka loo fasaxo, Ciidankaas mushaarkooda ayay qaataan 25ka Bisha, Waxtar mooye dhibaato dalka kuma ahan” Sidaasi waxaa yiri, Xasan Shire Abgaal, Wasiirkii hore ee Maaliyadda DG Puntland.

Waxa uu meesha ka saaray in DFS ay ciidankaas gacanta ugu hayso sidii ay culays ugu saari lahayd Dowlad-Goboleedka Puntland, Xasan Shire ayaa bogaadiyay go’aanka Dowladda ee ciidamadaas ugu billowday mushaarka maadaama ay kahor tagtay duruufaha kahor imaan karay.

“Ciidanka Federaalka ay qaadday waxaa laga dhigay Ciidamada Xoogga Dalka, In Qofka Mushaar aadan siin oo aadan ugu talagalin oo aad u diiddin kii Soomaaliyeed, labo arrin mid ayay noqonaysaa waa aad rabtid oo Dalka fowdo la geliyo iyo in aad kala furfurtid awooddooda oo kala yaaco” Sidaasi waxaa hadalkiisa sii raaciyay, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Dowlad-Goboleedka Puntland, Xasan Shire Abgaal.

Lataliyaha Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdi Xirsi Qajrab ayaa dhowaan qiray in deegaannada Maamulkaas ay joogaan ciidamo gaaraya 1376 Askari oo si toos ah mushaarkooda ay u bixiso Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here