Labo caruur ah iyo haweeney da’ ah oo lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Shoa.

0
16

Labo caruur ah iyo qof dumar ah oo da’ah ayaa ku dhintay weerar ay diyaarad Drone ah ku qaaday deegaanka Shoa ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Haweeneyda da’da ah ee ku dhaawacantay weerarkaasi ayaa lagu soo waramayaa inay xaaladeeda halis tahay.

Adeegga Warbaahinta Itoobiya ee EMS ayaa Khamiistii soo xigtay ilo wareed sheegaya in carruurtan ay da’doodu kala ahaayeen siddeed iyo sagaal jir.

Fano Mintesnot, oo ah madaxa qaybta siyaasadda iyo xiriirka dadweynaha ee Ururka Amxaarada Fano Popular Organisation, ayaa weerarka u xaqiijiyay Anchor Media, xarun Xarunteedu tahay Itoobiya.

Weerarka ayaa dhacay abaare 9-kii fiidnimo. waqtiga maxaliga ah Arbacada.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in intii ay duqayntu socotay aysan jirin ciidamo Fano ah oo ka tirsan kooxda hubaysan ee Axmaarada ka dagaalanta.

Wararka laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in bartilmaameedku uu ahaa hoy ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ay ku jiraan dadkii laga saaray dhul go’a dhawaan ka dhacay kaas oo galaaftay nolosha tobanaan qof.

Itiyoophiyaatti deebi’ee akka ta’e ibsaniiru.

Tan iyo bishii hore, waxaa la soo sheegayay in duqeymo xoogan oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka soo baxayeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Axmaarada. Hogaamiyaasha Fano, sida Asres Mare, ayaa u sheegay Anchor Media horaantii isbuucaan in kororka isticmaalka dowlada ee weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay ka turjumeyso “ka niyad jabka khasaaraha goobaha dagaalka.”
Horraantii bishii Oktoobar, dowladda Itoobiya ayaa billowday wax ay ku tilmaantay “howlgalkii ugu dambeeyay” oo lagu ciribtirayo ciidamada Fano iyo dib u soo celinta deegaannada ay gacanta ku hayaan ama gacantooda ku jirto. Ololahan ayaa la sheegay inuu ku lug lahaa in 40,000 oo askari oo dheeraad ah la geeyo gobolka.

Hogaamiyeyaasha Fano ayaa ku andacoonaya in howlgalka uu fashilmay, iyadoo muuqaalo laga soo duubay baraha bulshada sida X (Twitter) iyo Facebook la sheegay in ay muujinayaan kumannaan ka tirsan ciidamada dowladda oo la qabtay. Ciidanka Difaaca Itoobiya ma aysan xaqiijin ama beenin sheegashadaas balse taa beddelkeeda waxa ay sheegeen in “ciidamada Fano ay isa soo dhiibayaan.” Dhanka kale Telefishinka Qaranka ayaa baahiyay muuqaalo la sheegayo in ay muujinayaan Ciidamo Fano ah oo isku soo dhiibaya Ciidanka Difaaca ee Waqooyiga Gonder iyo Koonfurta Wollo. Ciidamada Fano, ayaa diiday sheegashadaas, waxayna ku tilmaameen dacaayad dowladeed.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhasheen khasaarooyin badan oo soo gaaray dad rayid ah. Todobaadki hore, ilaa 50 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay deegaanka Gojjam kadib markii duqaymo lala beegsaday iskuul, xarun caafimaad iyo suuq furan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here