Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo la filayo in uu booqdo jiidaha hore ee dagaalka.

0
12

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay booqdaan qaar ka mid ah furimaha dagaalka ee ka socda deegaano hoostaga maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ujeedada socdaalkiisa ayaa lagu soo waramayaa inay tahay sidii uu ula kulmi lahaa saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida ee kormeeraya howlgalada wadajirka ah ee ka socda goboladaasi. General Odawaa ayaa horay ugu nuux nuuxsaday in ay ka go’an tahay in la xoojiyo ololaha ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Iyadoo qeyb ka ah ballan qaadkiisa, taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la dardargeliyo dadaallada ka dhanka ah kooxda xagjirka ah si loo gaaro yoolalka istaraatiijiga ah. Tan waxaa ka mid ah abaabulka iyo diyaarinta ciidamo gaar ah oo awood u leh inay qaadaan weeraro waxtar leh.

Isbedelka hogaanka cusub ee dhawaan lagu sameeyay taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la filayaa in uu sare u qaado dadaalka loogu jiro abaabulka iyo diyaarinta ciidamada si ay dib ugu soo ceshato deegaanada ay wali gacanta ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

General Odawaa Yuusuf Raage ayaa socdaalkiisa la qorsheeyay inuu ku tago jiidaha hore ee dagaalka ayaa loo arkaa mid dib u soo cusboonaatay oo ku aadan xoojinta howlgalada ciidamada ay ka wadaan gobolada dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here