Home WARARKA Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah xilka ula...

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah xilka ula Wareegay

5
0

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha CXDS, kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Xil wareejinta ayaa u dhexeysay Taliyihii hore Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha cusub Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u kala wareejiyay xilka labada taliye, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay hoggaan milatari oo mideysan, firfircoon, kana go’an ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Taliyaha cusub uu yahay sarkaal waayo-aragnimo dheer u leh Ciidanka Xoogga Dalka, kana soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, taas oo la filayo inay horseeddo dardar cusub oo ku aaddan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan oo sare, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Dhanka amniga, waxaa si weyn loo adkeeyay sugidda amniga xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waddooyinka soo gala, iyadoo ciidamo badan lagu daadiyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo badqabka masuuliyiinta ka qeyb galeysay munaasabadda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 29-kii Janaayo 2026 si rasmi ah u magacowday Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, halka xilka laga qaaday Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo hoggaanka ciidanka, looguna diyaar garoobayo wejiyada cusub ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here