Booliska Jubaland oo war kasoo saaray is rasaaseeyntii ka dhacday Kismaayo.

0
14

Afhayeenka Ciidanka Booliska ee Dowlad Goboleedka Jubaland Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo shir jaraa’id ah ku qabtay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa ka warbixiyay israsaaseeyntii saakay ka dhacday magaaladaasi una udhaxeeysay Ciidamada Booliska Jubaland iyo ilaalada qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda nidaamka Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Madoobe,

Afhayeenka waxa uu shaaca ka qaaday in gaari uu horey u lahaa Taliyihii hore ee Booliska Jubaland lagu joojiyay bar kontorool oo ay Ciidamada Jubaland ku sugnaayeen, waxaana uu sheegay in dhowaanahaanba gaarigaasi uu magaalada kawaday wax lidi ku ah amaanka magaalada Kismaayo.

Kadib joojintaasi gaariga ayaa waxa uu afhayeenka tilmaamay inay dhalisay is rasaaseeynta ciidamada Booliska Jubaland iyo Ilaalada Senator Ilyaas Gaboose inay halkaasi ka dhacdo, waxaana ku dhaawacmay laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka Booliska Jubaland dhinaca kale waxaa ku geeriyooday darawalkii gaariga Senator Ilyaas Gaboose oo lagu magacabay Bukhaari Yare.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Kismaayo inay isdejiyaan xaaladana hadda ay wanaagsan tahay, sidoo kale waxa uu xusay in Booliska Jubaland ay gacanta ku hayaan gaariga barta kontorool lagu joojiyay iyo ilaaladii saarneeydba.

Magaalada Kismaayo ayaa ku jirta maalmo doorasho oo todobaadkaan waxaa looga diyaar garoobayaa inay dhacdo doorashada Madaxweynaha sida ku cad jadwalka doorashada oo ay horey usoo saareen Guddiga Doorashooyinka ee uu Axmed Madoobe Magaacabay, sidaasi ay jirto haddana waxaa kusugan magaaladaasi musharixiin Mucaarad ah oo diidana sida ay wax ku socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here