Warbixinno sirdoon ayaa shaaca ka qaaday in saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka Suudaan ay ka qeyb qaadanayaan tababarka ku dhowaad kun askari oo Soomaali ah oo lagu diyaarinayo deegaannada Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jariirad ku takhasustay arrimaha amniga iyo sirdoonka ee Afrika, heshiis ayaa la sheegay inuu dhex maray Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo dhinacyo Suudaani ah.
Heshiiskaas ayaa dhigaya in koox saraakiil Suudaani ah ay si toos ah u maamulaan barnaamijyo tababar ciidan oo ka socda xeryo ku yaalla magaalooyinka Cadaado iyo Guriceel.
Warbixintu waxay xustay in tababarradu si rasmi ah u bilaabmeen bishii Diseembar 2024, gaar ahaan xerada ku taalla Cadaado, halkaas oo boqolaal askari lagu siiyay tababarro milatari oo ay hoggaaminayeen saraakiil iyo saraakiil-xigeenno Suudaani ah, iyadoo lagu shaqeynayo heshiisyo sanadle ah oo dib loo cusboonaysiin karo.
Sidoo kale, boqolaal kale ayaa la marsiiyay tababarro la xiriira waxa loo yaqaan “ilaalada rayidka”, oo ah ciidan deegaanka ah oo loogu talagalay difaaca bulshada, inkasta oo qaab-dhismeedkoodu u egyahay maleeshiyaad is-difaac ah.
Qaybta tababarka milatariga ee hay’adda sirdoonka ayaa la sheegay inay si dhow ula socotay hawshan, xilli isbeddello isdaba joog ah ay ka jireen hoggaanka hay’adda.



