Home WARARKA Farmaajo oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe,...

Farmaajo oo ka hadlay kulankii uu la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe, baaqna u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

6
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan salaan iyo is-xog wareysi ah oo uu maanta la yeeshay Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda siyaasadeed ee adag ee dalka ka taagan iyo baahida loo qabo wada-tashi dhab ah oo xal loogu helo caqabadaha jira, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo dastuurka.

Madaxweynihii hore ayaa soo dhaweeyay imaanshaha labada Madaxweyne ee caasimadda Muqdisho, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo heshiis loo dhan yahay oo dalka ka badbaadiya hubanti la’aan siyaasadeed iyo qalalaase amni oo ka dhasha khilaafaadka taagan.

Wuxuu ku ammaanay Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe niyad-wanaagga iyo rabitaankooda ku aaddan in la helo xal waara oo mideeya dhinacyada siyaasadda isku haya.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa baaq u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu baaqay inuu muujiyo tanaasul iyo hoggaan mideyn kara dhinacyada is haya, si looga gudbo ismari-waaga jira loogana hortago firaaq dastuuri ah oo dalka gala.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa xusay in xaaladda siyaasadeed ee cakiran aysan ka mashquulin madaxda iyo siyaasiyiinta gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta daba-dheeraatay, isagoo ku baaqay in la qaado tallaabooyin cad-cad oo wax ku ool ah si loo badbaadiyo nolosha dadka tabaaleysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here