Soomaaliya iyo Seerbiya ayaa kala saxiixday heshiis muhiim ah oo dhanka amniga ah, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhanka tababarida Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Heshiiskan ayaa waxaa lagu kala saxiixday kulan dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo loo yaqaan (Fartaag) iyo dhiggiisa Serbia, Ivica Dačić. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhanka amniga.
Hogaamiyayaasha ayaa tilmaamay in heshiiska cusub ee ay saxiixeen uu diirada saarayo tababarida iyo tayeynta ciidamada amaanka Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu saameyn weyn ku yeelan doono wada shaqeynta labada dal.
“Heshiiskani wuxuu si gaar ah u xoojin doonaa taageerada iyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal, maadaama xiriirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia uu ahaa mid qoto dheer oo soo jireen ah,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Serbia, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, ayaa soo dhaweeyay heshiiska, oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Serbia ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso iskaashiga dhanka amniga ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu si weyn u xoojiyo taageerada dhanka amniga ah ee Soomaaliya, isagoo ka qeyb qaadanaya horumarinta xirfadda iyo tayada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.