Home WARARKA UK oo maxkamad soo taagaysa nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu...

UK oo maxkamad soo taagaysa nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Daacish

6
0

Dowladda UK ayaa maxkamad soo taagaysa nin looga shakisan yahay inuu yahay Daacish, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ka safray UK una baxay Soomaaliya si uu uga qeyb qaato dagaalada kooxda.

Mohamed Farah Mohamoud oo ka soo jeeda magaalada Bristol, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu qorsheeyay falal argagixiso islamarkaana uu shan toddobaad ku sugnaa dal Afrikaan ah intii u dhaxeysay 29-kii Janaayo ilaa 4-tii Maarso 2025.

Ninkan oo 21 jir ah, oo deggen Francombe Grove, ayaa lagu eedeeyay inuu tagay meel ay deggen yihiin kooxo xagjir ah oo ka tirsan waxa lohogu yeero Dowladda Islaamiga ah (IS).

Jimcihii, wuxuu ka soo muuqday maxkamadda Old Bailey si loo qabto dhageysi hordhac ah. Garsoore Cheema-Grubb ayaa si ku-meel-gaar ah u asteeyay in dacwadda la bilaabo 3-da Agoosto, iyadoo lagu qaadi doono Maxkamadda Winchester Crown Court.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan ku lug lahaanshaha falal argagixiso, taasoo ka hor imaanaysa Qodobka 5-aad ee Sharciga Argagixisada UK ee 2006.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here