Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay magaalada Adis Ababab kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal gaar ahaan iskaashiga ay wadaagaan sida Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.
“Waxaan maanta kulan doceed la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh waxaana ka wada hadlay xoojinta xiriirka aan wadaagno” ayuu yiri Aby Axmed.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa magaalada Adis Ababa uga qeyb galaya kulanka Midowga Afrika gaar ahaan meertada 39-aad.
Madaxweynaha ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Afrika, isagoo si gaar ah uga mahadceliyay kaalinta ay ka qaateen ilaalinta midnimada Soomaaliya.



