Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Caruusha Dalka Tanzania.

0
14

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya xuska 25 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska Dalladda Bulshada Bariga Afrika & shirar kale oo muhiim ah ayaa gaaray Magaalada Caruusha Dalka Tanzania.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Tanzania iyo Wafdi kale oo ka socda Dowladda Soomaaliya oo kol hore sii gaaray Magaalada Caruusha ee xarunta Dalkaas.

Kulamo gaar gaar ah ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la qaadan doonnaa Madaxda Dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika EAC ee ku shiraya Magaalada Caruusha sida lagu yiri faah-faahin kooban oo Madaxtooyada Qaranka soosaartay.

Meelaha ugu badan ee diiradda lagu saarayo shirka EAC waxaa kamid ah: Ganacsiga, Waxbarashada iyo horumarinta Bulshada Dalalka ku mideysan Dalladdaan si ay isaga kala faa’iideystaan Dal weliba nimcada gaarka ah uu leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here