WFP oo joojisay gargaarkii ay ka waday SSC-Khaatumo ka dib markii ay bililiqo ku keentay hawlihii gargaarka.

0
10

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa qaaday tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku joojinayso dhammaan hawlihii samafalka ahaa ee ay ka waday gobollada SSC-Khaatumo ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay sii kordhayso falalka ammaan-darro iyo bililiqo loo geysanayo raashin gargaar ah oo loogu talo-galay dadka dhibaataysan ee ku nool gobolladaas.

Talaabadan ayaa timid ka dib labo dhacdo oo bililiqo ah oo aad u balaaran bishan oo hakad galisay gaarsiinta raashinka muhiimka ah. 24kii Noofambar, qiyaastii 45 metric ton oo cunto mucaawino ah ayaa lagu xaday degmada Buuhoodle, waxaana ku xigay 50 metrik ton oo dheeraad ah oo la bililiqaystay saddex maalmood ka dib. Go’aanka ayaa ka dhigaya in ka badan 51,900 qof gargaar la’aan mid ka mid ah gobollada ugu nugul Soomaaliya.

Sahayda la xaday waxaa loogu talagalay 8,655 qoys, oo ay ku jiraan carruur nafaqo-xumo hayso, hooyooyin uur leh iyo kuwo nuujinaya iyo qoysas barakacayaal ah. Gargaarkan ayaa waxaa qaybinayey hay’adaha wadaniga ah ee GHADO, Norwegian Refugee Council (NRC), iyo ALIGHT, kuwaas oo ka hawlgala Laascaanood, Taleex iyo Buuhoodle.

Warqad uu u diray madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayuu agaasimaha WFP ee Soomaaliya El-Khidir Daloum ku tilmaamay go’aankan mid adag balse loo baahnaa. Daloum waxa uu soo qaatay bililiqadii dhawaan loo geystay mucaawinada in ay ahayd bartii ugu dambaysay ee joojinta.
Dhacdooyinkan bililiqada ah ayaa naga dhigaya in aan si badbaado leh oo waxtar leh u shaqayno,” ayuu yidhi Daloum, isaga oo ku baaqaya in tallaabo degdeg ah laga qaado mas’uuliyiinta maxalliga ah si loo soo celiyo ammaanka loona ilaaliyo shaqaalaha bani’aadamnimada.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland Maxamed S.Faroole, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu kula taliyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor inuu ku booriyo WFP inay xafiis deegaan ka sameysato Laascaanood, isla markaana ay si toos ah ula xiriirto maamulka SSC-Khaatumo. “Muddo sodon sano ah ayaa gargaarka SSC la siyaasadeeyay, waxaana la joogaa waqtigii la joojin lahaa,” Faroole ayaa qoray, isagoo intaas ku daray “Deegaanka SSC aad ayay uga ammaan badan yihiin inta badan goobaha ay WFP ka shaqeyso ee Soomaaliya.”

SSC-Khaatumo oo ka kooban saddex degmo oo ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya, ayaa muddo dheer ahayd goob ay ka taagnaayeen xiisado siyaasadeed iyo kuwo beeleed, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay aqoonsatay bishii Oktoobar 2023-ka, taasoo ka dhigan isbedel uu ku yimid maqaamkeeda gobolnimo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa deegaankaasi ka socda dagaalo u dhaxeeya ciidamada SSC-Khaatumo iyo ciidamada Somaliland, waxaana dagaalkaasi ka dhashay xasilooni daro. Bishii Nofembar 2024, dagaal xooggan oo ka dhacay agagaarka Qorilugud ayaa sababay khasaare badan iyo barakac kale oo soo gaadhay dad rayid ah.

Joojinta WFP ayaa dhabarjab kale ku ah gobolka, kaasoo si weyn ugu tiirsan gargaarka caalamiga ah si wax looga qabto gaajada iyo nafaqo darida daba dheeraatay.

Dhibaatada bini’aadantinimo ee baahsan ee ka jirta Soomaaliya ayaa weli ah mid aad u xun, iyadoo in ka badan 6.6 milyan oo qof ay soo food saartay cunto yari ba’an oo ay sabab u tahay colaadaha, jahawareerka cimilada, iyo barakaca. Dhaca loo geysanayo sahayda gargaarka ayaa hakad gelisa howlaha gargaarka waxayna uga sii daraysaa dhibaatada dadka nugul.

WFP waxa ay ugu baaqday maamullada maxalliga ah in ay mudnaan siiyaan tallaabooyinka ammaanka.” Haddii aanay jirin deegaan ammaan ah, bulshooyinka ugu nugul waxa ay la kulmi doonaan cawaaqibka,” ayuu qoray Daloum.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here