Dowladaha Soomaaliya & Sacuudiga ayaa ku heshiiyay iskaashi dhowr dhinac ka kooban oo xooggiisa saamaynaya dhinaca Dekedaha, kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu dhiggiisa Sacuudiga, Salaax Bin Nassar Aljaasir uu la saxiixday heshiiskaan.
Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ku ballamay in ay iska kaashadaan horumarinta Dekedaha, Dhoofka, Maalgashiga, Isdhaafsiga Khibradaha iyo wax weliba oo la xiriira ishaas dhaqaale ee muhiimka ah sida lagu xusay Warsaxaafadeed kasoo baxay Labada Wasiir Deked ee Xukuumadaha Muqdisho iyo Riyaad.
Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa horay sidaan oo kale u kala saxiixday heshiis dhexmaray Wasaaradaha Gaashaandhigga, waxaa heshiiskaas kamid ahaa in la xoojiyo awoodda dhinaca Militariga si looga hortago khatar weliba oo dhinaca Badda, Badweynaha Hindiya iyo marinnada kale ee Badda.



