Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ee wadahadalka uga furmay Madaxtooyada Qaranka.
Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, kulamadaan waxa ay labada dhinac uga arrinsanayaan qodobada muhiimka ah ee diiradda lagu saarayo wareegga soo socda ee wadaxaajoodka si dhinac weliba uu u xoojisto ajandaha u la shirtagayo.
Marka laga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka iyo Dastuurka waxaa halkaas ka dhaca doodo kala duwan oo xitaa Mararka qaar Dowladda iyo Mucaaradka ku qasbaya in ay kasoo tashtaan qodobada markaas ku cuslaada.
Sida uu wadahadalka u furmay waa mid deggen oo aanay jirin buuq siyaasadeed iyada oo dhinac wax iskula wada marka la eego qodobadii hordhaca ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha Mucaaradka ah ay kawada hadleen.
Kulamada tooska ah waxaa dhinac socda kulamo kale oo ay wadaan xubnaha guddiga farsamo ee kasoo shaqeeyay in Madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland & Jubbaland Caasimadda soo gaaraan, kulamo is arag uu dhaco ilaa ugu danbayn Madaxtooyada la isugu tagay.



