Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada ee Arrimaha Soomaaliya, James Swan ayaa billaado guddoonsiiyay Saraakiil iyo Askar u dhashay Dalka Uganda kana mid ah cutubka sida gaarka ah u ilaaliya xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.
James Swan ayaa ciidamadaan ku tilmaamay in ay si wanaagsan oo aad u sarraysa ay u guteen adkaynta amniga Xafiiskaan iyo xeendaabkiisa sidaas awgeed Qaramada Midoobay ay garatay in lagu abaalmariyo howshaas ay qabteen.
Swan ayaa intaas ku daray in ciidamadaan xiran Koofida Buluugga ah ee Qaramada Midoobay ay ka shaqo duwan yihiin askarta kale ee Uganda ka socda ee jooga Soomaaliya una diiwaangashan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka shaqeeya la socodka Arrimaha Siyaasadda, Bani aadamnimada iyo xaaladaha ka so socda Dalka, wakiilka Xoghaye Antonio Guterres ayaa si joogta uga qaybgala fadhiyada looga arrinsanayo Arrimaha Soomaaliya isaga oo xogo bixiya.



