Home WARARKA Wiil uu dhalay Mugabe oo lagu xiray Koofur Afrika kaddib markii lagu...

Wiil uu dhalay Mugabe oo lagu xiray Koofur Afrika kaddib markii lagu eedeeyay isku day dil

6
0

Bellarmine Robert Mugabe oo ah wiilka uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Dalka Zimbabwe ayaa lagu xiray Dalka Koofur Afrika kaddib markii looga shakiyay isku day, waxaana uu wajahaya dacwad ka dhan ah ficilkaas sida lagu xusay warbixinta Booliiska.

Wiilkaan oo ah yaraanka Robert Mugabe ayaa jira 28 sano, waxaa loo haystaa guri lagu furay Rasaas oo ku yaalla Magaalada Johannesburg, Booliiska ayaa sheegay in dhacdadaan awgeed baaris waqti dheeraad ah la geliyay howlgalkiisa.

Xabsiga lagu hayo Bellarmine Mugabe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dadka loo diiday in ay u tagaan sababo la xiriira diyaarinta kiiskiisa oo heer Maxkamad u gudbay sida uu sheegay afhayeen u hadlay Booliiska Koofur Afrika.

Aabaha Wiilkaan waa Robert Mugabe oo dhintay sanadkii 2019 waxa uu ahaa hoggaamiyihii ugu xil haynta dheeraa dalkiisa, 37 sano ayuu Madaxweyne ka ahaa, sidoo kale waxaa intaas u dheer in uu ahaa aftahan weerarro afka ah ku qaada reer Galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here