Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa ka taagan Xiisad u dhaxaysa Madaxda sare ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed iyo Maamulka Degmadaas, xiisaddaan waxa ay saamayn taban ku reebtay Garoonka Cusub ee Diyaaradaha Magaaladaas.
Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu culays xooggan oo siyaasadaysan uu saaray degmadaas sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha Degmada Buurhakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow) ayaa sidoo kale waxaa tilmaamay in Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ay joojisay diyaarado gargaar bani aadamnimo gayn jiray Degmada Buurhakaba maalmaha Arbacada iyo Axadda, markii ay dabagal ku sameeyeen sababtaas oo xiriir ay la sameeyeen madaxda sare ee Dowlad-Goboleedkaas lagu wargeliyay in sababo amni loo joojiyay duullimaadkaas.
Dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Buurhakaba ayuu Guddoomiye Ibraahim Laysaamow xusay in ay iska kaashadeen Shacabka oo si isxilqaan ah ku bixiyay dhaqaalaha lagu hirgeliyay garoonkaas, Kaalinta Maamulka ugu aaddan garab istaagga shaqada Garoonkaasi ayuu xusay in uu ku baddelay xayiraad uu saaray sida uu yiri.
Dhinaca kale, ilo wareedyo ayaa sheegay in cadaadiska lagu hayo garoonka uu la xiriiro ciidamo tababar ku qaadanaya halkaasi, kuwaas oo la sheegay in tababarkoodu leeyahay ujeeddo siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Buurhakaba ayaa ku dooday in ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin hay’adaha ammaanka, isla markaana tababarka ka socda garoonka uu la mid yahay kan ka socda degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Arrintan ayaa weli taagan, iyadoo la sugayo sida ay u xallin doonaan dhinacyada isku haya khilaafka saameynta ku yeeshay adeegyada muhiimka ah ee degmada.



