Jubaland oo beenisay in gargaar kayimid SODMA la gaarsiiyay Degaanada Jubaland

0
3

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Xasan Cumar oo shir jaraaid ah ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa beeniyay in aysan jirin wax gargaar ah uu kasoo gaaray Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SODMA, waxaana walaac uu ka muujiyay siyaasadaynta sii kordheysa ee gargaarka bini aadantinimo oo ay waddo Dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka waxa uu sheegay in Dowladda federaalku ay ku cadaadineeyso Hay’addaha gargaarka in aan wax gargaar ah la geynin Jubaland, loona leexiyay gargaarkii loogu talagalay dowlada Jubaland deegaana kale taas oo looga gol leeyahay ujeedooyin siyaasadeed.

Wasiirka waxa uu yiri “Waaxan u cadaynaynaa ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ayna jirin wax gargaar ah oo la keenay Jubaland kaas o ka yimid dawladda fadaraalka ah, Waxaan sidoo kale lasoconnaa gargaar badan oo loogu tala galay jubbaland in lagu xanibay Muqdisho, gargaarkaas oo ay ugu deeqeen Soomaaliya dalalka China, UAE, Turkiga iyo kuwa kale, sidoo kale waxey dowladda faderalka Soomaaliya carqaladeyneysaa Mashaariicda gargaarka ah iyo kuwa hormarineed ee loogu tala galay Jubaland”.

Wasaaradda Gargaarka ee Jubaland ayaa ku eedeeysay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya inay dhaqan gelisay xannibaado dheeraad ah oo ay saartay hay’adaha samafalka iyo dowladaha caawiya  Soomaaliya taas oo ah in dhammaan gargaarka loogu tala galay Soomaaliya lagudajin karo Muqdisho oo kali ah.

Jubaland ayaa ku tilmaamtay Tallaabooyinkaasi in looga golleeyahay siyaasadeynta iyo carqaladeynta gargaarka loogu tala galay jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here