Home WARARKA Israa’iil oo Somaliland ka caawinaysa tababarka shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Israa’iil oo Somaliland ka caawinaysa tababarka shaqaalaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa

2
0

Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda loo xulay inay ka qaybgalaan tababar heer sare ah oo la xidhiidha culuumta iyo maareynta biyaha, kaasi oo lagu qabanayo dalka Israa’iil.

Aqoonyahabkan ka socda Wakaalada Biyaha ee Hargaysa, oo tiradooda lagu sheegay 25 qof ayaa maanta gaadhay magaalada Talaviv ee cariga Israa’iil halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowlada Israa’iil.

Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa sheegtay in shaqaalahan la xulay ay leeyihiin khibrad sare oo si toos ah ula xidhiidha hawlaha muhiimka ah ee wakaaladda, isla markaana laga filayo inay si wax ku ool ah uga faa’iidaystaan tababarka.

Sidoo kale, wakaaladu waxay xustay in tababarkani door weyn ka qaadan doono horumarinta iyo tayaynta adeegyada biyaha ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan marka ay shaqaaluhu dib ugu soo laabtaan Somaliland.

Dowladda Israa’iil ayaa lagu tilmaamaa tan ugu horumarsan xagga biyaha iyo beeraha ee gobolka Bariga Dhexe, iyadoo Raysal Wasaare Netanyahu uu maalintii aqoonsiga Somaliland u ballanqaaday inuu si gaar ah uga taageeri doono arrimaha biyaha iyo beeraha.

Israa’iil ayaa noqotay dowladdii koowaad ee si rasmi ah u aqoonsata Somaliland dabayaaqadii sannadkii hore, waxaana la filayaa inay galaan heshiisyo iskaashi oo dhinacyo badan leh sida biyaha, wax-soo-saarka macdanta iyo shidaalka, tiknoolajiyada iyo kuwo kale, sida uu Madaxweyne Cirro sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here