Home WARARKA DDS oo kuraas yar laga siiyay qoondada Kuraasta Baarlamaanka Itoobiya

DDS oo kuraas yar laga siiyay qoondada Kuraasta Baarlamaanka Itoobiya

3
0

Guddiga Doorashooyinka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay sida ay kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka heer Federaal u kala qaybsanayaan Ismaamullada uu ka kooban Dalkaas iyada oo tiro yar la siiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Kuraasta ugu badan waxaa la siiyay Ismaamulka Oromada oo uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, halka Dhulka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka wayn Tigree la siiyay kuraas ka badan DDS.

Tirada guud ee Kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa ah 547, kuwaas oo ka kala imaanaya 14 Ismaamul oo guud ahaan Dalkaas ah, waxaa lagu kala badsaday saamiga iyada oo la sheegay in dano siyaasadeed ay ku lifaaqan tahay arrintaasi.

Shaqada Baarlamaankaan oo metala Ismaamullada ku dhisan Nidaamka Federaalka Itoobiya ayaa ah ansixiyaan sharciyada, miisaaniyadda iyo magacaabista Ra’iisul Wasaaraha waana tan keentay in uu Abiy Ahmed uu kuraasta u badiyo Qowmiyaddiisa.

Halkaan ka aqriso Ismaamullada ugu badan kuraasta Baarlamaanka:

Deegaanka Oromada waxaa la siiyay 178 Kursi.

Deegaanka Amxaarada waxaa la siiyay 138 Kursi

Deegaanka Shucuubta Koofureed waxaa la siiyay 49 Kursi

Ismaamulka Tigree waxaa la siiyay 38 kursi

Deegaanka Bartamaha Itoobiya waxaala siiyay 35 Kursi.

Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa la siiyay 23 Kursi

Ismaamulka Addis Ababa waxaa la siiyay 23 kursi.

Dhacdadaan ayaa aad looga hadal hayaa Gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa weli aamusan mas’uuliyiinta Dowlad-Deegaankaas iyada oo looga fadhiyo in ay war kasoo saaraan sababta kuraasta Xildhibaannada loogu yareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here