Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa si adag u cambaaraysay jadwal doorasho oo uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya, kaas oo xalay shaaciyay jadwalka doorashada golayaasha degaanka ee dowlad goboleedyada.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in guddiga uu ku daray jadwalkiisa degmada Galgodogob ee gobolka Mudug, halkaas oo ay hore uga dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka ee Puntland 25-kii May 2023. Sidoo kale.
Wasaaraddu waxay sheegtay in jadwalku uu ku jiro degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Cayn, kuwaas oo ay ku adkaysatay inay dastuur ahaan ka mid yihiin Puntland.
Maamulka Puntland ayaa xusay in doorashooyinka goleyaasha deegaanka, Golaha Wakiillada iyo madaxtooyadu ay yihiin awoodo dastuuri ah oo u gaar ah dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, sida ku cad qodobka 120-aad ee Dastuurka dalka.
Puntland waxay sheegtay in guddiga jadwalka soo saaray uusan ku dhisnayn heshiis iyo sharci midna, isla markaana aysan aqoonsanayn jiritaankiisa. Waxay intaas ku dartay in guddigu aanu ka hawl geli karin dhulkeeda iyo xuduudaheeda dastuuriga ah.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, in uu guddiga u adeegsanayo hurinta xiisado siyaasadeed, kala qaybin bulsho iyo wiiqitaanka nidaamka federaalka
Si kasta ha ahaatee, guddiga doorashada Soomaaliya ayaa markii dambe degmada Galdogob ka saaray jadwalka doorashada iyagoo sheegay in ay si qaldan loogu soo daray jadwalka, ayna ka tirsan tahay Puntland.




