Home WARARKA Soomaaliya iyo Kazakhstan oo ka wada hadlay iskaashi ku saabsan shidaal iyo...

Soomaaliya iyo Kazakhstan oo ka wada hadlay iskaashi ku saabsan shidaal iyo gaas

6
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kazakhstan, Fathudin Cali Maxamed, ayaa magaalada Astana kula yeeshay kulamo heer sare ah mas’uuliyiin ka tirsan waaxda tamarta ee Kazakhstan, kuwaas oo diiradda lagu saaray suurtagalnimada iskaashi ku saabsan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska.

Kulamada ayaa waxaa ka qeyb galay Askhat Khassenov, Guddoomiyaha Guddiga Maamulka shirkadda qaran ee tamarta KazMunayGas, iyo Sanzhar Zharkeshov oo ah Wasiir Ku-xigeenka Tamarta ee Kazakhstan.

Wadahadalladan ayaa daba socda xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan si rasmi ah u dhex maray Soomaaliya iyo Kazakhstan, taas oo astaan u ah furitaanka bog cusub oo iskaashi dhaqaale.

Qodobka ugu weyn ee laga wada hadlay ayaa ahaa iskaashi ku saabsan howlaha “upstream” oo ah marxaladda sahminta iyo baarista shidaalka ka hor inta aan la soo saarin, Labada dhinac ayaa muujiyay danayn xooggan oo ku aaddan dhisidda iskaashi waqti dheer socon kara oo faa’iido u leh labada dal.

Mas’uuliyiinta Kazakhstan ayaa soo bandhigay khibraddooda farsamo ee tobannaan sano ah ee ku aaddan sahminta iyo horumarinta shidaalka iyo gaaska, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan suuqyada soo koraya sida Geeska Afrika.

Dhankiisa, Safiir Fatxudin ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay fursado ballaaran oo shidaal iyo gaas ah, kuwaas oo ku yaalla dhulka (onshore) iyo badda (offshore) Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay maareyn hufan oo kheyraadka dabiiciga ah, dejinta sharciyo cad iyo dhisidda iskaashi lala yeesho shirkado caalami ah oo khibrad leh.

Labada dhinac ayaa isku raacay in sahmin dhameystiran oo ku saleysan xog cilmiyeed ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee iskaashi waara, Waxaa la isla soo qaaday adeegsiga tiknoolajiyado casri ah sida baarista 3D seismic, falanqaynta xogta dhulka hoostiisa iyo qaabeynta saxda ah ee kaydadka shidaalka.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-weydaarsiga aqoonta, tababaridda khubarada Soomaaliyeed iyo iskaashi dhinaca nidaamyada sharciyeynta si loo helo koboc tamareed oo waara.

Ugu dambeyn, kulamada ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ah in la sii xoojiyo wadahadallada lana raadiyo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu hirgelin karo iskaashi shidaal iyo gaas, taas oo sare u qaadaysa xiriirka dhaqaale iyo tamareed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kazakhstan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here