Home WARARKA Israa’iil oo oggolaansho si rasmi ah u siisay Safiirka Somaliland u fadhiyi...

Israa’iil oo oggolaansho si rasmi ah u siisay Safiirka Somaliland u fadhiyi doona dalkeeda

10
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa shaacisay in Dawladda Israa’iil ay si rasmi ah u siisay oggolaanshaha diblomaasiyadeed Safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Dr. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud (Maxamed Hagi).

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay daba socoto aasaaska xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland oo la dhisay 26-kii December 2025, isla markaana ay ku timid is-afgaradyo la gaadhay booqashadii uu Somaliland ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, bishii hore.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Safiir Dr. Maxamed Hagi uu hadda la-taliye u yahay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana uu ka mid ahaa masuuliyiintii doorka firfircoon ka qaatay hirgelinta xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland sannadkii 2025.

Sidoo kale, Israa’iil ayaa shaacisay in dhowaan la magacaabi doono Safiir u fadhiya Somaliland, taas oo lagu tilmaamay tallaabo kale oo lagu xoojinayo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac.

Madaxweynaha  Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Dr. Maxamed Hagi u magacaabay inuu ahaado Safiir buuxa oo idman oo Somaliland u fadhiya dalka Israa’iil, kadib markii ay Israa’iil si buuxda u aqoonsatay Somaliland 26 December 2025.

Safiirkan ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilkaas, si waafaqsan Dastuurka Somaliland, xeerarka u yaalla, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland.

Magacaabistan ayaa imanaysa xilli la filayo in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu galo marxalad cusub, iyadoo wararku ay sheegayaan in labada dhinac ay qorsheynayaan ballaadhinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, hal-abuurka, maaraynta biyaha iyo amniga gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here