Home WARARKA Talyaaniga oo Dalal dhaca Waqooyiga Afrika kala kaashanaya xakamaynta Tahriibayaasha

Talyaaniga oo Dalal dhaca Waqooyiga Afrika kala kaashanaya xakamaynta Tahriibayaasha

5
0
160729-N-EU999-004 MEDITERRANEAN SEA (July 29, 2016) Migrants aboard an inflatable vessel approach the guided-missile destroyer USS Carney (DDG 64). Carney provided food and water to the migrants aboard the vessel before coordinating with a nearby merchant vessel to take them to safety. Carney is forward deployed to Rota, Spain, and is conducting a routine patrol in the U.S. 6th Fleet area of operations in support of U.S. national security interests in Europe. (U.S. navy photo by Chief Information Systems Technician Wesley R. Dickey/Released)

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in ay dejisay qorshe cusub oo xal u noqon kara xakamaynta tahriibayaasha Afrika ka taga ee sanadihii u dambeeyay usii qulqulayay Dalkaas, waxaana ku bixi doonna dhaqaale xooggan oo ay kala kaashanayso dalal dhaca Qaaraddaan.

Xukuumadda Roma ayaa sheegtay in halista dhimashada Badda Mediterranean ay korortay sidaas awgeed loo baahan yahay xal waara oo lagu xakamaynayo isu socodka dadkaas oo fadhi u ah tahriibkooda dalal dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika.

Liibiya, Masar, Tuniisiya, Morooko & Aljazeera ayay si wadajir ah ula kaashan doontaa sidii wax looga qaban lahaa tahriibayaasha iyada oo la qaadayo tallaabooyin lagu kordhinayo feejignaanta dhaqdhaaqa Dadkaas sida hadalka loo dhigay.

Roma ayaa xustay in ay ka go’an tahay qaadista tallaabadaan, marar badan ayay tilmaamtay in ay isku dayday sidii ay u fulin lahayd arrintaan maadaama madaxda sare ee dalkaas ay safarro kala duwan ku tageen dalalkaas ay kasoo baxaan Tahriibayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in laga soo billaabo Oktoobar 2025 wixii ka dambeeyay ay kordheen tahriibayaasha halista nafeed kala kulmaya Badda Mediterranean, qaarkood waala badbaadiyay halka kuwo kale la waayay halka ay ku dambeeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here