Home WARARKA Diyaarad sidday xildhibaanno ka tirsan BF oo dib looga soo celiyay Garoowe

Diyaarad sidday xildhibaanno ka tirsan BF oo dib looga soo celiyay Garoowe

5
0

Diyaarad sidday xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeedo Puntland ayaa goordhow dib looga soo celiyay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu ugu yeeray madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Xildhibaannadan ayaa markii hore ka baxay Muqdisho, hase yeeshee daqiiqado uun kadib ayaa diyaaraddii sidday dib loogu soo celiyay garoonka Aadan Cadde, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

Arrintan ayaa kusoo aadayso, iyada oo shalay uun Muqdisho ka tegay madaxweyne Saciid Deni, kadib markii ay fashilmeen wada-hadalladii ka socday Villa Somalia, wuxuuna kadib u yeeray xildhibaannada BFS Soomaaliya ku metala Puntland, si uu ula sameeyo wada-tashi guud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isaguna maanta u yeeray xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metalaya maamulkaasi, isaga oo labada bishan ku casuumay shir ka dhacaya magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in xildhibaannada lala sameyn doono wada-tashi ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, maadaama ay fashilmeen wada-hadalladii Villa Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid faah-faahin rasmi ah ka bixisay soo ceinta xildhibaannadan oo ah kuwa mucaaradka ee diidan qorshaha Villa Somalia.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa u qaaday tallaabooyin lagu celiyay diyaarado siday siyaasiyiin ka aragti duwan, waxaana ugu dambeeyay wafdigii hordhaca u ahaa Saciid Deni & Axmed Madoobe ee dhawaan dib looga celiyay Muqdisho, balse markii dambe arrinta xal laga gaaray, loona ogolaaday iyaga iyo ciidamadooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here