Faahfaahino kasoo baxaya Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

0
10

Kooxo hubeysan oo ah burcad u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa magaalada Cape Town ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi uu halkaasi ku lahaa.

Muwaadinkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saciid Cismaan Cosoble, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsatay burcadii geysatay dilkiisa.

Allah u naxariiste marxuum Saciid Cismaan Cosoble ayaa ahaa shaqsi si weyn looga dhex yaqiinay magaala xeebeedka Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa dilka kadib gaaray goobta ganacsi ee lagu dilay muwaadinka Soomaaliyeed, kuwaas oo sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Dalka Koonfur Afrika waxaa si joogto ah loogu dila muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi u ganacsi tagay, waxaana todobaadkaan gudahiisa meelo kala duwan oo dalkaasi ka mid ah lagu dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dalkaasi ka dhex shaqeysanayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here