Home WARARKA Ururka caalamiga ah ee saxaafadda oo cambaareeyay dilka weriye Abshir Khaliif Shidaane

Ururka caalamiga ah ee saxaafadda oo cambaareeyay dilka weriye Abshir Khaliif Shidaane

6
0

Ururka caalamiga ah ee International Press Institute (IPI) ayaa si adag u cambaareeyay dilka weriyaha Soomaaliyeed Abshir Khaliif Shidane, oo toddobaadkii hore lagu dilay magaalada Kismaayo. Ururku wuxuu sheegay in dhacdadani ay tahay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah saxaafadda oo ay ku lug leeyihiin ciidamada ammaanka, isla markaana ay ku jiraan xarig iyo jirdil lagu eedeeyay in loo geystay weriye kale.

Ururka caalamiga ah ee saxaafadda ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay sameyso baaritaanno madax-bannaan oo dhamaystiran si loo helo caddaalad lagulana xisaabtamo dadka ka dambeeya falalkan iyo weerarrada kale ee loo geysto saxafiyiinta.

Abshir Khaliif Shidaane, oo 25 jir ahaa, ayaa fiidkii 2-da Maarso lagu dilay magaalada Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland, kaddib markii uu muran kooban ku dhex maray askari boolis ah oo ku sugnaa barkoontarool. Askariga ayaa la sheegay inuu bastoolad la baxay isla markaana hal xabbad ku dhuftay weriyaha, taasoo sababtay dhimashadiisa.

Tan iyo sanadkii 2010, tobannaan saxafi ayaa lagu dilay dalka, iyadoo aan inta badan la helin caddaalad ama lala xisaabtamin kuwii ka dambeeyay falalkaas.

Agaasimaha u doodista ee IPI, Amy Brouillette, ayaa sheegtay in ururkoodu si adag u cambaareynayo toogashada Abshir Khaliif Shidane, isla markaana ay la murugoonayaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed. Waxay intaas ku dartay in inkastoo ay soo dhoweynayaan xarigga askariga dilka geystay, haddana ay muhiim tahay in la sameeyo baaritaan dhammaystiran oo horseeda isla xisaabtan dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here