Saddex Musharrax oo isugu soo hartay qabashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika.

0
8

Saddex Musharrax ayaa isugu soo hartay Doorashada Guddoomiyaha Midowga Afrika kaddib markii uu haray musharrixii afaraad oo ah Anil Kumarsingh Gayan, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Mauritius sida uu sheegay Guddiga doorashadaas qaabilsan.

Doorashada lagu kala reebayo musharrixiintaan waxa ay dhaceysaa 13ka Deseembar 2024 oo ku beegan Jimcaha Todobaadkaan, Doodda Musharrixiinta waxaa loo qorsheeyay ay ku qabsoonto luuqadaha kala ah English, French, Arabic, Portuguese, Spanish & Swahili.

Mushariixiinta soo hartay ayaa kala ah:

1-Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti

2-Raila Amolo Odinga, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya.

3-Richard J. Randriamandrato oo ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Madagascar.

Saddexdaan musharrax kan guuleysta ayaa xilka la wareegi doonno marka la gaaro sanadka soo socda 2025ka, waxaana musharrax weliba laga sugayaa waxqabadka waxyaabaha uu ballanqaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here