Home WARARKA Samira Gaid: Madaxweynuhu wuu ka taxaddarayaa in uu kordhiyo muddo xileedkiisa sabab...

Samira Gaid: Madaxweynuhu wuu ka taxaddarayaa in uu kordhiyo muddo xileedkiisa sabab la xiriirta dhaleecayn ka imaan karta beesha caalamka

4
0

Samira Gaid oo ah falanqeeye arrimaha amniga oo ka tirsan hay’adda Balqiis, ayaa sheegtay in aysan kala caddayn sida isbeddellada dastuurka uu u saameyn doono siyaasadda dalka ama muddo xileedka madaxweynaha ee haatan.

Samira, oo la hadashay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegtay in madaxweyne Hassan Sheikh uu ka taxaddarayo in uusan shaacin inuu kordhinayo xilkiisa, taas oo laga yaabo in ay keento dhaleecayn ka timaada beesha caalamka.

“Isbeddelka dastuurku si toos ah uma kordhinayo xilka madaxweynaha Soomaaliya ee hadda, laakiin waa arrin u baahan fasiraad. Hadda, madaxweynuhu wuu taxaddarayaa in uusan sheegin inuu kordhinayo xilkiisa sabab la xiriirta dhaleecayn ka imaan karta beesha caalamka,” ayay tiri.

Waxay sidoo kale sheegtay in doorashooyinka loo qorsheeyay bisha May ay dib u dhici doonaan, maaddaama aan weli la helin hannaan doorasho oo la isla oggol yahay, iyadoo mucaaradku ay ka soo horjeedaan dastuurka cusub iyo muddo kororsi.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maalintii shalay saxiixay dastuurka cusub ee dalka, ka dib markii 4-tii Maarso labada aqal ee baarlamaanka ay ansixiyeen.

Dastuurka cusub ayaa dhigaya in muddo xileedka madaxweynuhu yahay 5 sano, sidoo kalena qofku uusan isku noqon karin wasiir iyo xildhibaan.

Dhaqangalkiisa wuxuu saamayn doonaa qaab dhismeedka xukuumadda Soomaaliya, iyadoo inta badan wasiirada xukuumadda ay ka tirsan yihiin baarlamaanka aqalka hoose iyo midka aqalka sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here