Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibraahima Diene, iyada oo ay goob joog ka ahaayeen La-Taliyaha Amniga Qaranka, Amb. Aweis Haaji, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Yusuf Ali Mohamed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabad iyo xasillooni waarta. Wasiirka Amniga ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyay kaalintooda muhiimka ah ee ay ka qaataan taageerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca amniga iyo xasilinta dalka.
Danjire Diene ayaa dhinaciisa xaqiijiyay sida Midowga Afrika uga go’an tahay sii wadidda taageerada Soomaaliya si loo gaarsiiyo nabad waarta oo ay hogaamiso Soomaaliya.
Labada dhinac waxay isla qaateen in la xoojiyo qorshayaasha iyo mashaariicda la xiriira amniga, iyadoo la waafajinayo ujeeddooyinka AUSSOM iyo mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulankan waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Booliska AUSSOM, AIGP Hillary Sao Kanu, iyo Isuduwaha Booliska AUSSOM, ACP Samuel Okanta, kuwaas oo ka wada qeyb qaatay dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga dalka.



