Home WARARKA Madaxweyne Cirro: “Somaliland waxay u gudubtay marxaladda aqoonsiga caalamiga ah”

Madaxweyne Cirro: “Somaliland waxay u gudubtay marxaladda aqoonsiga caalamiga ah”

2
0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay hadda u gudubtay marxalad cusub oo diiradda lagu saarayo helitaanka aqoonsi caalami ah, kadib markii ay ka gudubtay marxaladihii dhismaha dawladnimada iyo sugidda nabadda gudaha.

Madaxweyne Cirro ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu magaalada Hargeysa ku siiyay wargeyska caalamiga ah ee Financial Times, isaga oo xusay in Somaliland ay muddo dheer soo martay geeddi-socod dal dhis ah oo ay shacabka iyo hoggaanka xukuumadu si wadajir ah u hoggaaminayeen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada sannadkii 2024, uu sii waday dadaalladii ay hore u bilaabeen madaxdii isaga ka horreysay, kuwaas oo ku wajahan in beesha caalamka loo bandhigo doodaha sharci, taariikheed iyo siyaasadeed ee lagu baadi goobayo aqoonsiga Somaliland.

Cirro waxa uu tilmaamay in aqoonsi la’aanta Somaliland ay caqabad ku noqotay ka faa’iidaysiga fursadaha dhaqaale ee caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo maalgashiga. Wuxuu sheegay in xaddidaaddaas ay saamayn ku yeelatay sida Somaliland ula macaamili karto suuqyada caalamiga ah iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la yeelan karto dalalka kale.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in nabadda iyo xasilloonida Somaliland ay ka dhalatay dadaal ay si gaar ah u sameeyeen shacabkeeda, kuwaas oo, sida uu sheegay, marar badan ku shiri jiray dhir hoostood si ay u gaadhaan heshiisyo nabadeed oo ay ku soo afjaraan khilaafaadkii jiray.

Waxa uu intaa ku daray in heshiisyadaas nabadeed ay horseedeen in la sameeyo dastuur iyo hay’ado xukuumi ah, isla markaana shacabka Somaliland ay dib ula soo noqdeen gooni isku taagan sannadkii 1991-kii.

Madaxweyne Cirro waxa uu sidoo kale xusay in Somaliland ay qabatay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo isdaba joog ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo ku yar qaaradda Afrika, isla markaana muujinaya heerka dimuqraadiyadeed ee  ka jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here