Madaxweynaha soomaaliya oo ka degay Qaahira

0
4
Madaxweynaha soomaaliya oo ka degay Qaahira
Madaxweynaha soomaaliya oo ka degay Qaahira

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kasoo duulay dalka Switzerland ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, halkaas oo lagu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Masar, Cabdulfataax Al-Siisi oo ay kulamo xasaasi ah ku yeelan doonaan gudaha magaalada caasimada ah ee Qaahira.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadli doono xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Xasan iyo Al-Siisii ay wadahadalladooda diiradda ku saari doonaan arrimo la xiriira howlgalka ciidanka AUSSOM oo Masaarida door ka qaadanayso, heshiiskii iskaashiga amniga iyo qodobo kale oo xasaasi ah.

Waxaa kale oo ay xoogga saari doonaan horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Masar ayaa dhowaan gaaray is faham hoos loogu dhigayo xiisaddii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiskii badda ee uu Ra’iisul wasaare Abiy la galay horraantii sanadkii hore maamulka Somaliland.

Si kastaba, ujeedka ugu wayn ee dowladda Masar ayaa in haatan ah ay si toos ah ugada gasho qorshaha ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya oo ay kula loolameyso Itoobiya.

Falanqeeyayaasha ayaa dhankooda sheegaya in joogitaanka militaryi ay Masar ku dooneyso gudaha Soomaaliya inay ku ballaariso saameynteeda gobolka istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

Dowladda Masar ayaa haatan la filayaa in ciidamadeeda ay kusoo daabusho gudaha Soomaaliya, iyada oo ku keeneyso cirka iyo badda, si ay qayb uga noqdaan howlgalka Soomaaliya ka billowday sanadkan cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here