Home WARARKA Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Kuwa Koofur Galbeed oo ka socda...

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada DFS & Kuwa Koofur Galbeed oo ka socda Duleedka Baydhabo

5
0

Duleedka Magaalada Baydhabo waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya Mucaaradka Laftagareen iyo Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed oo kasoo horjeeda.

Dagaalkaan ayaa yimid kaddib markii la sheegay in ciidamada Dowladda Federaalka ee kaashanaya kuwa Mucaaradka la magac baxay Badbaadada Koofur Galbeed ay dhowr jiho ka weerarreen ciidamada Koofur Galbeed ee la safan maamulka laftagareen.

Si dhab ah looma ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, goobaha ay ku kala sugan yihiin dhinacyadaan iyo waxyeellada gaartay Dadka rayidka ah, waxaana Magaalada Baydhabo gudaheeda ka billowday barakac ay samaynayaan Shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in lala xisaabtamayo cid weliba oo xabbad ku ridda Ciidamada duullaanka ku ah Magaalada Baydhabo.

“Wiilashada uu qasbaayo Cabdicasiis ee reer Koofur Galbeed walaahaooda ayaa u yimid ee yaysan Xabbad ku ridin hana soo dhaweeyaan, Ciddii Ciidamada Qaranka Xabbad ku ridda waxaa loo aqoonsanaa dambiile Qaran” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Maamulka Koofur Galbeed oo looga hadlay dagaalkaan, saacado kahor Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter) ku sheegay in weerar weliba oo lagu qaado ay ka jawaabi doonnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here