Dowladda Soomaaliya oo cadeysay in ciidamada AUSSOM aysan qeyb ka ahayn wadahadallada Ankara.

0
41

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qorshaha ciidamada AUSSOM uusan qeyb ka ahayn wada-hadalladii Ankara ee lagu xaliyay khilaaf diblumaasiyadeed oo muddo sannad ah u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayay xilli uu barta Twitter-ka ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday in dowladda Federaalka ay awood buuxda u leedahay in ay soo xulato dalalka ka qeyb qaadanaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasi oo bedeli doona howlgalka ATMIS bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

“Bayaanka ka soo baxay Ankara waxa uu dib u xaqiijiyay madax banaanida Soomaaliya, midnimada iyo wadajirka dhuleed” ayuu yiri Fiqi. “In kasta oo iskaashiga gobolka uu muhiim yahay, haddana Soomaaliya oo keliya ayaa go’aan ka gaari doonta tirada ciidamada AUSSOM.”

Itoobiya ayaa muujisay inay danaynayso inay ka sii mid ahaato hawlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya iyo inay ku biirto hawlgalka AUSSOM ee soo socda. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in Itoobiya laga saaray, iyadoo lagu amray inay ciidamadeeda kala baxdo.

Caddayntan ayaa daba socota heshiiskii ay Turkiga garwadeen ka ahayd ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo lagu kala saxiixday December 11, 2024, ka dib wada-hadallo ballaaran oo ka dhacay magaalada Ankara. Heshiiska ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu xalliyo xiisadaha, oo uu ku jiro heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya 2024 (MOU) ee muranka dhaliyay ee Somaliland. MOU waxay soo jeedisay in dhul xeebeedka laga kireeyo saldhig ciidan oo badda ah si loo aqoonsado madax-banaanida Somaliland, tallaabadaas oo ay Soomaaliya ku cambaaraysay weerar lagu soo qaaday madax-banaanideeda.

Heshiisku wuxuu dammaanad qaadayaa in Itoobiya ay gasho badda iyadoo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taasoo bog cusub u noqonaysa xiriirka labada dal.

Fiqi ayaa ku celiyay sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya iyo ilaalinta go’aamada muhiimka ah oo ay ku jiraan iskaashiga nabad ilaalinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here