Home WARARKA Dekedda Jiddah ee Sacuudiga oo xiriir la yeelanaysa dekedaha Berbera iyo Jabuuti

Dekedda Jiddah ee Sacuudiga oo xiriir la yeelanaysa dekedaha Berbera iyo Jabuuti

6
0

Dekedda Islaamiga ah ee Jiddah ee dalka  Sacuudi Carabiya ayaa bilowday adeegyo cusub oo maraakiib ah oo si toos ah ugu xidhaya dekedaha Berbera  iyo Jabuuti, taas oo qayb ka ah qorshe lagu ballaadhinayo isku xidhka ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Hay’adda Dekedaha Sacuudiga ee Mawaani ayaa shaacisay in shirkadda maraakiibta ee Pacific International Lines (PIL) ay ballaadhisay hawlaheeda dekedda Jiddah, iyada oo loo marayo adeegyo cusub oo loo bixiyay “RGS” iyo “RS2”.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay xoojinayso doorka Dekedda Jiddah oo ah xarun muhiim ah oo saadka iyo ganacsiga ah oo ku taalla Badda Cas, isla markaana ay sare u qaadayso tartanka dekedaha Sacuudiga, fududaynayso isu socodka ganacsiga caalamiga ah, kana qayb qaadanayso kor u qaadidda hufnaanta hawlaha dekedda.

“Adeegga maraakiibta ee “RGS” wuxuu isku xidhayaa Dekedda Islaamiga ah ee Jeddah iyo afar dekedo goboleed iyo kuwo caalami ah, oo ay ku jiraan Nhava Sheva iyo Mundra oo Hindiya ku taalla, Jabuuti, iyo dekeda Berbera ee Soomaaliya, ka hor inta aanu ku laaban Dekedda Islaamiga ah ee Jeddah. Adeeggan wuxuu qaadi karaa ilaa 1,810 TEU” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Dekeda Jiddah.

Dhanka kale, adeegga “RS2” ayaa xidhiidhinaya Dekedda Jiddah iyo sagaal dekadood oo waaweyn oo ku kala yaalla Aasiya iyo Bariga Dhexe, oo ay ka mid yihiin Qingdao, Shanghai, Ningbo, Nansha iyo Shekou ee Shiinaha, Singapore, Jabuuti, Sokhna ee Masar, iyo Aqaba ee Urdun. Adeeggan ayaa leh awood qaadis gaadhaysa ilaa 11,923 konteenarro, taas oo sii ballaadhinaysa isku xidhka ganacsiga ee dekedda.

Mas’uuliyiinta Mawaani ayaa sheegay in horumarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo kaalinta Sacuudiga ee tilmaamayaasha waxqabadka caalamiga ah, isla markaana lagu taageerayo kobaca dhoofinta qaranka. Waxa kale oo uu la jaanqaadayaa istaraatiijiyadda gaadiidka iyo saadka ee dalka, oo ujeeddadeedu tahay in Sacuudigu noqdo xarun caalami ah oo isku xidha saddex qaaradood.

Dekedda Islaamiga ah ee Jiddah ayaa leh 62 meelood oo maraakiibtu ku xidhmaan, xarumo kaydinta iyo dib-u-dhoofinta, iyo nidaam gaadiid oo si toos ah uga shaqeeya dekedda, iyadoo guud ahaan awooddeedu gaadhayso ilaa 130 milyan oo tan sanadkii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here