Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kulan kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo kulan kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

5
0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka dalka, gaar ahaan xoojinta nabadda, dib u heshiisiinta bulshada, iyo dardar gelinta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha, iyo sidii loo horumarin lahaa hay’adaha dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u bogaadiyey Odayaasha Dhaqanka, isagoo ku tilmaamay laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in doorkooda taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta midnimada, xalinta khilaafaadka, iyo dhisidda kalsoonida bulshada uu yahay mid aan la beddeli karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo hoggaanka dhaqanka si loo gaaro horumar waara iyo nabad buuxda.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa si diirran u soo dhaweeyey Madaxweynaha, iyagoo uga mahadceliyey booqashadiisa iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixineyso nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda ku aaddan qorshayaasha qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here