DG Puntland oo diyaarisay Ciidamo duullaan ku qaada Daacishta ku sugan Gobolka Bari.

0
8

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa diyaarisay Ciidamo isugu jira Daraawiish, Nabadsugid iyo kuwo gaar ah oo dhowaan tababar qaas ah la siiyay si ay ugu duullaan deegaanno katirsan dhulka buuraleyda ah ee Gobolka Bari oo saldhig u ah Kooxda Daacish.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka howlgalkaas loo diyaariyay ee la isugu geeyay halka loo yaqaan Kalabayr si ay ugu dhex dagaalamaan Buuraleyda Gobolka Bari.

Ciidankaan ayaa loo dhammeystiray Gaadiidka, Hubka iyo Sahayda Militari ay u baahan yihiin, waxaana qorshaha uu yahay in ay saldhigyo ka dhigtaan deegaanno u dhow Cal Miskaad si ay u kala dhantaallaan isku xirka Daacish sida hadalka loo dhigay.

Puntland ayaa in muddo ah raadineysa sidii ay usoo afjari lahayd Xubnaha Daacish katirsan ee saldhigyada waa weyn ku leh Dhulka Buuraha ah ee Gobolka Bari, Ciidamo isugu jira kuwa Badda ee PMPF & kuwa kale ee PSF ayaa saldhigyo ka dhigtay deegaanno dhowr ah.

Culeyska ugu weyn ee Dowlad-Goboleedka Puntland ka saaran Daacish waa in ay kahortagto dhaqaalaha badan ay ka hesho Ganacsatada Gobolka Bari, sidoo kale in laga hortago weerarrada ka dhanka ah Xeryahooda iyo in ay awood ku yeeshaan dhulkaas muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here