Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee Jimcihii shalay dalkaasi ka qabsoontay, isagoo helay 97.8% codadkii la dhiibtay, sida lagu shaaciyay natiijooyinka rasmiga ah.
Geelle, oo 78 jir ah, ayaa sidaas ku hantay muddo xileedkiisii lixaad, isagoo ka adkaaday musharraxa keliya ee la tartamayay, Maxamed Faarax Samatar, kaasoo helay 2.2% codadka.
Madaxweynaha ayaa xukunka hayay tan iyo sannadkii 1999, markaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Xasan Guuleed Abtidoon. Tan iyo waqtigaas, Geelle waxa uu si joogto ah ugu guulaysanayay doorashooyinka, iyadoo doorashadii 2021 uu ku helay in ka badan 97% codadka, xilli ay mucaaradku intooda badan qaadaceen.
Doorashadan ugu dambaysay ayaa timid kadib markii wax ka beddel dastuur lagu sameeyay dabayaaqadii sanadkii hore, kaas oo meesha ka saaray xadka da’da musharraxiinta, taasoo u suurta gelisay Geelle inuu mar kale tartamo inkasta oo uu hore u sheegay inuu xilka ka degayo.
Jabuuti, oo ah dal istaraatiiji ah oo ku yaalla marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandeb, ayaa noqotay xarun militari iyo ganacsi oo caalami ah, iyadoo ay ku sugan yihiin saldhigyo ay leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha, Faransiiska iyo Japan.
Dakhliga ugu badan ee dalka ayaa ka yimaada adeegyada dekedaha, gaar ahaan xidhiidhada ganacsi ee uu la leeyahay Itoobiya. Si kastaba, dalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale iyo bulsho, iyadoo lagu qiyaaso in ku dhowaad 70% dhalinyarada ay shaqo la’aan yihiin, isla markaana deymaha uu Shiinuhu ku leeyahay dalka ay sii kordheen.
Dhanka kale, hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa xukuumadda Geelle ku eedeeyay inay cadaadis saarto mucaaradka. Musharaxa la tartamayay Geelle ayaan kasoo muuqaan warbaahinta, isla markaana aan la arag isaga oo fagaarayaasha kala hadlaya taageerayaashiisa, cadaadiska ay dowlada Jabuuti ku hayso mucaaradka awgii.



