Home WARARKA Wasiir ku eedaysan in Dad Sabool ah ay ka xadday Jiingado loogu...

Wasiir ku eedaysan in Dad Sabool ah ay ka xadday Jiingado loogu talagalay oo lagu xukumay 4 sano oo xabsi ah

6
0

Agnes Nandutu oo ahayd Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gobolka Karamoja ayaa lagu xukumay 4 sano oo xabsi ah, waxaa lagu eedeeyay in ay xatooyo ku samaysay agab dhismo gaar ahaan jiingado loogu talagalay Dadka Saboolka ah, waxaa ka dhashay falcelin xooggan.

Agabka ay xadday waxaa lagu sheegay in uu gaarayo 2,000 sheey oo u badan jiingado, waxa ay Maxkamadda horteeda ka codsatay in laga cafiyo dambigaas ka dhacay isla markaana ay ka qoomamaynayso arrintaas sida ay ku doodday.

Xatooyadaan ayaa dhacday sanadkii 2022 waxaana markii kiiskeeda uu bannaanka yimid bannaanka laga dhigay golaha Wasiirrada, waxaa laga mamnuucay in ay xil dowladeed qabato muddo 10 sano ah sida go’aanka ku xusan.

Qareenkeeda ayaa sheegay in tani ay tahay ciqaab adag sidaas awgeed loo baahnaa in xukunka la fududeeyo maadaama aanay wakiilkeeda marin-habaabin una sheegtay sida ay wax u dhaceen iyo doorka ay ku lahayd sida uu hadalka u dhigay.

Xeer ilaalinta dacwadda kusoo oogtay Agnes Nandutu waxa ay soo dhawaysay xukunkaas waxaana uu Xafiiskaas ku tilmaamay mid caddaalad ah oo digniin u ah cid weliba oo leexsata xoolaha loo wado dadka saboolka ah ee Dowladdoodu caawinayso.

Kiiska Jiingadaha la xaday ayaa dood iyo falcelin badan ka dhaliyay Dalka Uganda, dadka saboolka ah ayaa codsaday in dib loo eego kaalmooyinka loogu deeqo si meesha looga saaro musuq ama xatooyo kale ay la kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here