Wararka ka imaanaya degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al shabaab ay ku gowraceen qof magaciisa lagu soo gaabiyay Difaa oo askarta dowlada kala shaqeenayay uruurinta Canshuurta Guryaha.
Dadka degaanka ayaa sheegay in qofkaan uu noqonayo qofkii labaad ee todobaad gudaheedi ay Al shabaab ku gowracaan Buula Mareer.
Dhacdaan sidoo kale waxa ay noqoneysaa tii 3aad oo bil gudaheedi Al shabaab ku gowracaan rag shacab ah oo Ciidamada Dowladda ka taageera uruurinta Canshuuraha Guryaha, degaanka lagu magacaabo Farxaanoole oo u dhaxeeya Qoryooleey iyo Buula Mareer ayay Al shabaab ku Gowraceen Qof Mootoole ah oo Guryaha Canshuurta ka qaadi jiray.
Al Shabaab ayaa guluf dagaal waxa uu uga furan yahay Ciidamada Qaranka, degaanada ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay wali kaga harsanyihiin.
Al shabaab dhowr jeer ayay soo rogeen awaamiir dadka shacabka ay duldhigeen, waxaana ugu dambeeyay ganacsato ay ku bartilmaamaysadeen inay u hogaansameen amarka Dowladda ee ah in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka.