Home WARARKA Sarkaal amni oo xalay la weeraray gurigiisa

Sarkaal amni oo xalay la weeraray gurigiisa

12
0

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacday dhacdo aad u layaab badan oo naxdin leh , kadib weerar xalay lagu qaaday Taliyaha xasilinta xaafadda Buundaweyn.
Bam gacmeed lagu tuuray guriga taliyaha ayaa sababay dhaawaca xaaskiisa, wiil uu dhalay iyo qof kale oo goobta ku sugnaa.

Weerarkaasi ayaa qeyb ka ah falal amni darro oo maalmahaan ka jiray magaalada Beledweyne.

Intaasi kadib, taliyaha ayaa qaaday fal kale oo lama filaan ah, isagoo weeraray guri ku yaalla isla xaafadda Buundaweyn,waxaana uu gurigaas kala baxay laba gabdhood oo walaalo ah, kuwaas oo la sheegay in aabahood uu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab dhankoodina uu jiro.

Mid ka mid ah gabdhaha ayuu taliyuhu dilay, halka gabadha kale ay ka badbaadiyeen dad deegaanka ah oo soo farageliyay dhacdada, kana hortagay in fal kale oo halis ah uu dhaco.

Dhacdadan oo si weyn loo hadal haayo ayaa saameyn ku yeelatay bulshada Beledweyne, iyadoo ay jirto cabsi iyo walaac ku aaddan xaaladda amni ee magaalada.

Ilaa hadda, maamulka magaalada Beledweyne kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto war rasmi ah oo laga soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here