Faahfaahinno ka soo baxaya meydka laba ruux oo laga helay magaalada Hargeysa

0
5

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya meydka laba ruux oo laga helay xaafadda shacabka ee magaalada Hargeysa.

Goobjoogeyaal ayaa inoo xaqiijiyay in labada ruux uu mid ahaa askari xirnaa dareyska ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee Somaliland, halka qof kale ahayd haweeney.

Sidoo kale, Labada ruux ayaa jirkooda aysan ka muuqan wax dhaawac ah.

Ciidamada Amniga ayaa la wareegay meydka labada ruux, iyada oo la geeyay xarruunta CID ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, saraakiisha CID waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan baaritaannada, si loo xaqiijiyo waxa sababay geerida labada qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here