Madaxweyne Xasan Shiikh “Soomaaliya waxay ku dadaaleysaa nabada iyo xasilloonida dalka Suudaan”

0
6

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Siihayaha Safaaradda dalka a ee Suudaan Cammaar Axmed Baabakir.

Danjire Baabakir ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay dagaalka Suudaan, isaga oo Dowladda Soomaaliya uga mahadceliyay marti galinta Qaxootiga ka soo qaxay dalka Suudaan.

Sidoo kale, sii hayaha Danjiraha ayaa u soo gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh salaan iyo farriin uu uga siday walaalkiis, Hoggaaniyaha Golaha Sare ee dalka Suudaan Mudane Cabdifataax Al-Burhaan.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada shacab, isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal weyn u hayaan dhiggooda Suudaan, kuwaas oo si mug leh uga qayb qaatay taageeridda Soomaaliya xilliyadii adkaa, gaar ahaan fursadaha waxbarashada ee ardayda Soomaaliyeed iyo tababarida hay’adaha amniga.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso nabadda iyo xasilloonida dalka walaalaha ah ee Suudaan, maadaama degganaanshihiisa uu muhiim u yahay gobolka oo idil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here