Soomaaliya oo ka laabanaysa go’aankii ciidamada Itoobiya uga saartay howlgalka cusub ee nabad ilaalinta

0
5

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka laabato go’aankii ay ciidamada Itoobiya uga saartay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya 2025.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu wadaa inay sii joogaan Soomaaliya, kana mid ahaadaan howlgalka cusub, sida ay HOL u sheegeen ilo diblumaasiyadeed oo xog ogaal ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya in ay naf-hurnimo u sameeyeen xasiloonida Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa joogitaanka ciidamada Itoobiya u aragta tallaabo soo dadajin karta in Dowladda Itoobiya ka baxado heshiiska Somaliland ay la gashay ee ahaa inay deked ka sameysato biyaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa bishii June ku amartay ciidamada Itoobiya inay ka baxaan Soomaaliya marka uu dhammaado xilliga howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale taageersan ka qaybgalka Itoobiya ee hawlgalka cusub ee AU-da. Waxayna horey u qiimeeyeen in Itoobiya ay u badan tahay inay ku sii sugnaan doonto Soomaaliya.

Ma cadda sida ay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya u saameyn doonto iskaashiga milateri ee Soomaaliya ay la leedahay Masar. Soomaaliya waxa ay Masar bishii Agoosto 2024 la saxeexatay heshiis difaac.

Masar ayaa qorshaynaysa inay ku dhowaad 10,000 askari oo Masaari ah ay geyso Soomaaliya, si ay u beddelaan ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here