Taliska Booliska Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay amar cusub oo lagu mamnuucayo in gudaha magaalada Baydhabo lagu dhex qaato hubka culus, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida magaalada.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Baay, Sadiiq Doodishe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in laga bilaabo maanta aan magaalada dhexdeeda lagu wadan karin hubka waaweyn sida dhashiikaha iyo hubka culus ee noocyadiisa kala duwan.
Waxa uu si gaar ah ugu digay in aan hubkaas lagu adeegsan karin gudaha magaalada, gaar ahaan mas’uuliyiinta dowladda iyo cid kasta oo kale ayna fariintaan la wadaageen mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan magaaladaasi.
Taliyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in si buuxda loo mamnuucay in gudaha Baydhabo lagu dhex arko ruux isku wata dhar shacab iyo hub, taas oo uu ku tilmaamay mid khatar amni keeni karta.
Waxa uu intaa ku daray in tani ay tahay digniin horudhac ah oo lagu wargelinayo dhammaan dadka ku sugan magaalada.
Sidoo kale, Sadiiq Doodishe ayaa ku adkeeyay ciidamada kala duwan in ay si joogto ah ula xiriiraan talisyadooda, isla markaana ay soo sheegaan dhaq-dhaqaaq kasta oo safar ama howlgal ah si loo hubiyo amniga guud.
Qodob kale oo muhiim ah oo uu xusay ayaa ahaa in gabi ahaanba la mamnuucay in rasaas laga rido gudaha magaalada, isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarkan cusub.
Ugu dambeyn, Taliska Booliska Baay ayaa ugu baaqay shacabka Baydhabo in ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka, si loo xaqiijiyo nabadgelyo iyo kala dambeyn joogto ah oo ka hanaqaada magaalada.



